Soomaali

Codkaaga kadhiibo doorashada dawlada hoose ee dhacaysa 21ka Nufeembar!

Magaalada Copenhagen waxay kadhaxaysa dadkoo dhan – mana lahan dhawr shaqsi

Xisbiga Enhedslisten wuxuu udagaalayaa in lahelo magaalada Copenhagen oo loo simanyahay, bii’o nadiif ah leh ahna magaalo dimuqraadi ah.

Ayadoon laga fiirinayn hantidaada, meesha aad joogtid ama waxa aad aaminsantahay, waxaad qayb katahay bulshada waana inaad heshaa nolol wanaagsan. Bulshooyinkeenu waxay hormar gaaraan marka qofkasta laga qaybgaliyo kaladuwanaanshaha dadkuna waxay kacaawisaa magaalada Copenhagen inay noqoto magaalo nolol wanaagsan leh. Xisbiga Enhedslisten wuxuu kasoo horjeedaa midab takoor kaasoo kubadan mujtamaca danishka ah.

Aan si wada jir ah uga hortagno walaaca jira

Enhedslisten wuxuu doonayaa in qofkasta uu shaqeeyo saacado intii hore kahooseeya wuxuu kashaqaynayaa in shaqada si cadaalad ah loo maamulo. Waxaan doonaynaa inaan xaalad amaan ah u abuurno qofkasta oo xanuunsan ama shaqo la’aan ay hayso. Copenhagen waa mid kamid ah maamul magaalo ee ugu xun marka laga hadlo dadka xanuunsan ama dadka caawimaada arimaha bulshada hela bahiyahaasna waa in wax laga badalaa. Waxaan doonaynaa is aaminaad halkii aan wax xoog kumaquunin lahayn.

Waxaan doonaynaa inaan abuurno xarumo lagu ciyaaro

Enhedslisten wuxuu doonayaa in caruurtoo dhan ay helaan fursado loosimanyahay. Waxaan rabnaa inaan inaan u abuurno iskuulo wanaagsan caruurta kunool dhamaan qaybaha Copenhagen aana usamayno xarumaha barbaarinta oo dheeri ah caruurteena kujira iskuulada xanaadada caruurta. Enhedslisten wuxuu sidoo kale ladagaalayaa faqriga wuxuuna kashaqaynayaa in xarumaha lagu nasto ay ufuranyihiin dhamaan caruurta.

Maaraynta suuqa guryaha

Enhedslisten wuxuu xaqiijinayaa dhismaha guryo tayo leh, raqiis ah, una simanyihiin qoysaska waawayn iyo kuwo yar, dadka yaryar iyo kuwo waawaynba. Islamarkaas waxaan kashaqaynaynaa xaqiijinta inaan abuurno beero iyo koobo cagaaran oo kuyaala dhamaan qaybaha magaalada, sidoo waan difaacaynaa Amager Fælled.

Magaalada Copenhagen oo cagaaran

Enhedslisten wuxuu kashaqeeyaa in lasameeyo laymanka baaskiilada oo wanaagsan iyo gadiidka dadwaynaha oo tayo leh. In qofku gaari lahaado waa inaysan shardi unoqon helitaanka gadiid si fudud layskaga kalgoosho magaalada Copenhagen. Wasaqda katimaada qiiqa gawaarida ayaa sanad kasta galaafata nolosha muwaadiniinta kunool Copenhagen.

Kumuuji codkaaga doorashada dhacaysa 21ka Nufeembar

Xataa hadaadan haysan sharciga dhalashada wadankaan, wali waxaad xaq uleedahay inaad kacodayso doorashooyinka dawalda hoose. Sidaas ayayna uga duwantahay doorashooyinka qaranka. Si aad xaq ugu yeelato inaad codayso, waxaa qasab ah inaad:

– Jirtaa 18 sano ama aad kawayntahay

– Waa inaad ciwaan rasmi ah kadagantahay wadanka Denmark (deegaanka magaalada aad kacodaynaysid)

– Waa inaad kunoolayd Denmar ugu yaraan sadex sano, ama aad haysato dhalashada wadan kale oo Yurub ah, Norway ama Iceland.

Dadka inta badan waxaa kaarka codbixinta loogusoo dirayaa boostada, kaasoo kuusheegaaya ciwaanka goobta deegaanka ee codayntu kadhacayso. Hadaadan helin kaarka codbixinta xataa adoo xaq uleh inaad codayso, waxaad kaar kasoo qaadan kartaa xarunta dawlada hoose ee Borgerservice.